Wasiir katirsan Koonfur Galbeed oo raali gelin ka bixiyay Hadal carro badan abuuray

Wasiirka warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed Ilyaas Cali Nuur ayaa raaligelin ka bixiyay hadal uu ka dhawaajiyay oo ahaa in Xildhibaanada lagu soo doortay deegaanada Koonfur Galbeed yihiin ari mooro ku jiro oo kale.

Wasiirka ayaa xilli uu wareysi bixinayay sheegay in Xildhibaanada Koonfur Galbeed yihiin xildhibaano isku xiran, waxa uuna tusaale usoo qaatay in ay la mid yihiin ari mooro ku jiro oo kale ayna dhici karto sida ariga in moorada qaar kamid ah xildhibaanada ka boodaan.

Hadalkan uu sheegay Wasiirka warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed ayaa la sheegay in uu carro badan abuuray gaar ahaan ka xumaadeen xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka ee lagu doortay Baydhabo iyo Baraawe.

Maadxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale la tilmaamay in uu ka xumaaday halka uu sheegay wasiirkiisa, waxa uuna ka dalbaday in hadalkaasi ka laabto kana bixiyo raaligelin toos ah.

Wasiir Ilyaas Cali Nuur ayaa muuqaal uu goordhaw soo duubay raaligelin kaga bixiyay hadalkii uu ka dhawaajiyay, waxa uuna tilmaamay in hadalkaasi kala jeedin in xildhibaanad yihiin kuwa la heesto balse ula jeeday in ay yihiin kuwa isku xiran.

Xildhibaanada labada aqal ee Koonfur Galbeed laga soo doortay ayaa qaatay ammarka Madaxweyne Laftagareen oo ku aadanaa in aysan qaadan shahaadada xildhibaanimo marka laga reebo saddex Xildhibaan oo ah siyaasiyiin waa weyn oo qaatay shahaadada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -